Iyo soo daahsaaristii Isbaanishka ee aasaarta ku duuggan Somaliland.
Ilaa iyo 2015 -kii, degel baadhiseed oo ay hormuud ka ahaayeen Maxadka Hiddo-sayniseedka ee (Incipit) ee hoos tagga Golaha Qaran ee Cilmibaadhista Isbaanishka (CSIC) ayaa ka hawlgalayey Somaliland, iyagoo xog-ururin ka sameynayay taariikhda hiddo ee gobalkani ka tirsan qaaradda Afrika. Yoolkii bar bilowga ahaa ee mashruucan Incipit-CSIC ee Somaliland waxa uu ku qotamay in la fahmo soo ifbixii ganacsigii masaafada dheer ee ka jiray gobalka iyo in la qiimeeyo doorka bulshada maxaliga ah ay ciyaari jireen wakiillo ganacsiyeed ahaan muddadaa labada kun ee sanno ah ee laga joogo Nebi Ciise dhalashadiisii.
Ilaa maanta, Mashruuca Incipit-CSIC waxa ay lix safar shaqo ku mareen guud ahaan gobalka, kuwaasi oo qaatay muddo ku siman shan billood kanna dhigaysa mashruucan degel baadhiseed kii ugu muddada dheeraa ee ay khubaro shisheeye ka hirgeliyaan Somaliland. Xubnaha mashruucani waxa ay xog sugan ka uruuriyeen 35 goobo aasaar oo muhiim ah, iyagoo daah-qaadid ku sameeyay tobban ka mida. Mashruucu waxa uu sidoo kale diiwaangeliyay in ka badan 600 oo qudbi-xabaalleed ah iyo dhismeyaal kale. Boqollaal shay oo aasaar ah ayaa la ururiyey, la farshaxameyay, lana sawiray, halka tirro maqaalo cilmiyeedyo badanna la daabacay. Maqaalladani waxa ay bilow u yihiin in ay si guud uga warbixiyaan mid ka mid ah aasaarta loogu aqoonsiga yar yahay qaaradda Africa.

Goobta ugu weyn ee mashruuca StateHorn. ©Jorge de Torres.
Lix sanno kadib, mashruuca degel baadhista ee Incipit ee Somaliland waxa uu noqday dallad isu keenta fikiradaha iyo mashaariicaha hoos yimaada machadka Heritage Sciences oo ay maamulaan Alfredo González-Ruibal iyo Jorge de Torres. Haatan, mashruucani waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo cilmi-baadhis ah; qayb ka shaqaysa una xilsaaran daraasaynta ganacsigii ka hor imaanshihii Islaamka iyo qaybta kale oo la xidhiidha taariikhdii Geeska Afrika ee waqtiyadii dhexe.
“StateHorn: Waddooyinkii dawladnimada: Maamulka, sharciyadda iyo kala duwanaanshahii bulsheed ee Geeska Afrika (Qarniyadii 11aad ilaa 16aad)”, oo uu maamulayo Jorge de Torres, ayaa ah mashruucii ugu danbeeyay ahna ka ugu balaadhan marka la eeggo muddada iyo kharashkaba. Waa mashruuc 5 sanno ah oo ay maalgelinayaan Machadka caanka ah ee European Research Council (ERC), oo ah machad taageera mashaariicda hal-abuurkoodu sareeyo ee dhamaan dhinacyada kala duwan ee aqoonta. StateHorn waa mashruuc looga dan leeyahay in la daraaseeyo isbedelladii taariikheed ee Geeska Afrika xilliyadii dhexe iyo bilowgii taariikhda casriga ah, oo ah wakhtiyadii gobolkan lagu yaqaanney maamullo xasilloon oo hodan ah. Dhiraandhirinta arragtidaa awgeed, mashruucani waxa uu sidoo kale qorshaynayaa in la daraaseeyo sababaha macquulka ah ee keenay fashilka ku yimi qaar ka mid ah maamullada ka hirgalay gobalkan xilliyadii casriga ahaa.

Masjidka weyn ee Abasa, magaalo jirtay xilliyadii dhexe oo ku taalley Galbeedka Somaliland taasi oo daraaseyn doonno mashruuca dhexdiisa. ©Incipit Archaeological Project in Somaliland.
Muddada sida gaarka ah ay daraasadu diiradda u saaraysay – qarniyadii 11aad ilaa 16aad ee dhalashadii Nebi Ciise kadib oo ku beegnayd soo bixitaankii maamullo Islaam ah oo adag kuwaasi oo 500 sanno xukumayey gobollo balaadhan, oo ay xasillooni iyo barwaaqaba ka jireen. Maamulladaasi waxa ay sidoo kale xidhiidho diblomaasiyadeed iyo dhaqaale la lahaayeen gobollada dhaca badda Mediterranean-ka, Bariga dhow, Eeshiya iyo Hindiya. Xasiloonida jirtay waaggaa ee maamulladaasi waxa ay lid ku tahay caqabadaha haatan haysta maamullada wakhti xaadirkan jirra.

Jamcad dhoobbo ka sameysan oo lagu sameeyay Beershiya lagana helay magaaladii xilliyadii dhexe ee Fardowsa. ©Álvaro Minguito.
Iyadoo la adeegsanayo cilmi-baadhista degel baadhista, mashruuca StateHorn keliya xog kama ururin doono xeelladihii ka dhigay maamulladii xiliyadii dhexe ee Geeska Afrika kuwo xasilloon, laakiin waxa uu sidoo kale isweydiinayaa weydiinta ah sida fahan wanaagsan oo loo yeesho taariikhda gobolku ay u caawin karto xal u raadinta caqabadaha wakhti xaadirkan haysta dawladnimada casriga ah ee mid ka mid ah gobollada ugu nugul amni ahaan caalamka. Tan micnaheedu waxa weeye – in kastoo mashruucan StateHorn uu diiradda saarayo maamulladii ka jirey Geeska Afrika xilliyadii dhexe- haddana yoolalka mashruucani waa ay ka sii durugsan yihiin keliya wax ka ogaanshaha bulsho muddo hore baaba’day. Mashruucani waxa uu beegsanayaa in xogtaasi laga dhalaaliyo fahan buuxda oo loo yeesho maamullada Afrika iyo gobol kasta oo kale, kaasi oo ay maamullada casriga ahi ay waajahayaan dhibaatooyin la xidhiidha sharciyadda iyo awoodda. Waxa laga yaabaa in natiijooyinka mashruucani ay caawimo ka geystaan kor u qaadista nolosha malaayiin dad ah oo ku nool Geeska Afrika iyo gobollada kale ee adduunka.
Mashruucani inkastoo uu ururin doono xogta dhamaan gobalka Geeska Afrika haddana waxa uu muhiimadda siinayaa Galbeedka Somaliland oo noqonaysa goobta cilmi-baadhista. Mashruuca StateHorn waxa uu u nidaamsan yahay shan mawduuc cilmi-baadhiseed oo waaweyn sida-1) Muuqaal-dhuleedka iyo Dhulka 2) Magaaleynta iyo Deegamada 3) Agab dhaqameedka 4) Ganacsiga 5) Ilaha war-isu-tebin ee hadal iyo qormo. Mashruucani waxa uu kulminayaa adeegsiga habab iyo farsamooyin balaadhan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin xog-ururin loo adeegsanayo drones, habka ilaalinta xogta ee GIS, daraaseynta kiimikalka ah ee walxaha dhoobada iyo quruuradaha, daraasaynta aasaarta xayawaanka iyo dhirta, ururinta iyo habeynta fariimaha afka iyo qorraalka, iyo weliba qodista goobaha kala duwan xajmi ahaan, shaqo ahaan iyo juquraafi ahaan. Shan sanno ee soo socda gudaheeda, kooxda mashruuca StateHorn waxa ay qodi doonaan shan goobood oo aasaar ah kuna yaalla Galbeedka Somaliland, waxana ay sidoo kale wada shaqayn doonaan maamulka dawliga ah, hay’addaha iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland si kor loogu qaado wacyiga bulshadda ee ku aaddan ilaalinta aasaarta iyo hiddaha taariikheed ee ku duuggan Somaliland iyo guud ahaanba Geeska Afrika.

Masjidkii reer guuraaga oo ku taalla xarun diimeedkii Dameraqad. ©Incipit Archaeological Project in Somaliland.
Inta lagu jirro shanta sanno, mashruuca StateHorn waxa uu ku soo bandhigi doonaa hawl-qabadkiisa iyo maxsuullada kasoo baxaba website ka mashruuca, barta Twitter-ka ee @Arch_Somaliland iyo daabacaadaha cilmiga ah iyo kuwa guud ee soo baxa inta mashruucu socdo. Waxa aannu raaci doonaa siyaasadda Midowga Yurub ee xogta furan taasi oo qeexaysa in dhamaan deeqaha machadka cilmi-baadhista ee Midowga Yurub (ERC) iyo dhamaan natiijooyinka la gaadho ay ahaadaan kuwo u furan shacabka iyo cid walba oo danaynaysa taariikhda Geeska Afrika ee xilliyadii dhexe. Sidaasi oo ay tahay, haddana waxaannu doonaynaa inuu talaabo kusii darno. Waxaannu doonaynaa in aanu ka dhigno website-kan meel aannu ugu gudbinno khibradahayaga, habsami usocodka shaqada, iyo natiijooyinkaba dadka Soomaaliyeed ee danaynaya inay wax ka oggaadaan aasaarta la xidhiidha gobolkani ee weliba wakhtiyadiisii ugu muhiimsanaa. Wadajir ayaynu wax uga wada baran doonnaa bulshooyinkaa tegay, innagoo ku dabaqayna wakhti xaadirkeenna, kana wada shaqayn doonnaa mustaqbalkeenna.
Kusoo dhowaada mashruuca StateHorn!
Jorge de Torres
Maamulaha Mashruuca StateHorn
Machadka hiddo-sayniseedka – Golaha Qaran ee Cilmi-baadhista Isbaanishka
The StateHorn Project would like to thank the EU embassy in Somalia for kindly providing the translation into Somali of the original English text